Waa sidee Xaaladda Maciishada Rer Puntland

Suuqweyn ee Caasumadda Puntland oo looga diyaar garoobayo Ciidul fidriga.

Garowe, Puntland- Somalia, Mudoooyinkii ugu danbeeyey waxaa sare u kac dhanka maciishada ah laga dareemayey Suuqyada waaweyn iyo guud ahaan deegaanadda Puntland.

Qeybaha ugu waaweyn ee ay saamaysay sare u kaca maciishada ayaa waxaa ka mid ah Raashinka iyo cunadda daruuriga ah sida Bariiska, Burka, Saliid iyo shidaalka oo dhammaantood laga soo dhoofiyo wadanka dibadiisa.

Sare u kacaan ayaa waxaa loo sababeenayaa qiima beelka ku yimid lacagtii shilin Soomaaliga ahayd ee laga isticmaali jiray deegaanada Puntland oo gabi ahaanba ka baxday suuqyada waaweyn. Dhanka kale sare u kaca shidaalka ayaa waxaa loo tiranayaa in ay saamaysay dagaalka Ruushka iyo Ukrain oo si weyn looga dareemay suuqyada caalamka

Waxaa intaas dheere in dhanka kale ay ka jirto Puntland abaaro dhaba dheeraday iyo roobabkii la filayey oo aan si fiican uga curan deegaanadda Puntland taas oo saamaysay maciishada iyo nololsha guud ee rer Puntland gaar ahaan dadka dan yarta ah.

Si kastaba ahaatee Dowladda Puntland ayaan la imaan wax curin siyaasadeed ah iyo aragti dhaqaale oo wax looga qabanayo xaaladda nololsha dadka rer Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published.