Shinzo Abe Geeridiisa kadib maxaa ka og tahay siyaasadii uu isticmaalay ee wadankiisa ka soo saartay godkii dhaqaale xumada.

Sawirku waa PM Shinzo iyo MD Obama oo Aqalka Cad jooga.

Raysal wasaarihii hore ee wadanka Jaban Shinzo Abe ayaa la toogtay maalintii jimcaha ayd asagoo taageerayaashiisa kula hadlaya meel fagaare ah. Ninka toogtay ayaa labo xabadood ku dhuftay kuwaas oo ka haleelay dhanka wadnaha. Abe ayaa xukunka qabtay sanadkii 2005 – 2006 xiligaas oo uu noqday Raysal wasaarihii ugu da’da yaraa tan iyo dagaalkii labaad ee dunida, balse sanad kadib waa uu ka tagay xilka ka dib markii ay soo baxeen fadeexooyin la xirira musuqmaasuq. Waxaana dib loo doortay Sanadkii 2009 markaas oo uu dib ugu soo laabtay siyaasadda ilaa 2020 xiligaas oo uu iska casilay xilkii Raysal Wasaare. wuxuuna noqday Raysal wasaarihii ugu xilka dheeraa taariikhada Jaban.

Waxaa uu ku soo galay siyaasada hal ku dhig siyaasadeed oo oranaysa ” Korniinka Mustaqbalkayga iyo Mustaqbalka Jiilasha soo socoda iyo Mustaqbalka Jaban”” oo uu ula jeeday in uu wax ka qaban doono xaaladii dhaqaale xumo ee uu wajahay wadankiisa xiligaas oo ay Jaban ku Jirtay xaalad dhaqaale istaag ah. Wuxuuna la yimid qorshe loogu yeeray  “Abenomic”

” Waxaan burburinayaa dhamman darbiyadda hor taagan dhaqaallaheena, waxaan sawirayaa wado cusub oo uu ku kori karo dhaqaalaha wadankeenu.. shaqadaydu waa taas” ayuu yiri Abe.

Dhibaatada ugu weyneed ee xiligaas Jaban haystay waxaa ahayd dadka rer Jaban oo da’ ahaan aad u weyn iyo tirada dhalinyarada oo aad u yar taas oo keentay in dhaqaale ahaan uu wadanku u istaago.

Waxaa uu ku tilmaamay yoolkiisa kowaad in uu yahay in uu abuuro koritaan dhaqaale oo joogto ah ” Sustainable Economic” iyo in ay Jaban noqoto haldoor tusaale u noqota dhisitaanka Bulsho cusub oo leh wax soosaar, waxaana miisaaniyadda Jaban gaartay Sanadkii 2020 in ka badan 600 trillion yen.

Yoolkiisa labaad waxaa uu ka dhigay waxa loogu yeeray “Bulsho5.0” taas oo ujeedkeedu ahayd in la kordhiyo tirada technologyada si loo gaaro bulsho ku go’aan qaadata macluumadka la hayo si loo abuuro bulsho cusub iyo dhaqaale koritaankiisu joogto yahay.

Siyaasadihii la yaabkaa lahaa ee Shinzo Abe la yimid waxaa kamid ahayd in uu hoos ugu dhigayo qiima lacagta wadankiisa 70%  isagoo daabacaya lacaga cusub si loo dhiiro galiyo maalgashatada dibada ka imaanaysa iyo in Jaban noqoto meel dunida oo dhan u furan waxna u dhoofin karta. Si loga baxo xaalada dhaqaale istaag.

Leave a Comment

Your email address will not be published.