Saamaynta abaaraha ay Soomaaliya ku yeesheen nololsha Dadka

Abaar xoogan ayaa ka jirta bariga iyo geeska Afrika taas oo ay sababeen roob la’aan ku dhacday deegaannada geeska afrika gaar ahaan Soomaaliya aydoo ay intaas dheertahay isbadelka Cimilada aduunka, khilaafadka joogtada ah iyo nabad guurinta lagu hayo dhirta ay horseeday xaalad abaareed oo ba’an in ay ku dhufto geeska Afrika iyo Soomaaliya.

Qiyaastii 1.5 milyan oo xoolo ah ay ku baaba’ay abaarta ka jirta dalka waxayna galaafatay nololsha dadka miyiga oo ay soo wajahaday xaalad cuna yari ah iyo biyo la’aan.

Dhanka kale roob yaridu waxaa ay saamaysay beeralayadda gudaha waxaana si weyn hoos u dhaca ugu yimid wax soo saarka beeraha iyo dalagydii ka soo bixi jiray gudaha aydoo laga dareemayo suuqyada waaweyna sara u kaca cunadda iyo qudaarta.

Kuwaad 7.7 milyan oo dad Soomaaliyeed ah ayaa u baahan gurmad bani’aadnimo oo degdeg in loo Sameeyo. Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo beesha caalamka in ay gacan ka siiso dowlad iyo ka Soomaaliyeed wax ka qabashada abaaraha inta aysan isku badelin

Leave a Comment

Your email address will not be published.