Ordugan muxuu ku badeshay ku biirista Sweden iyo Finland midowga NATO.

Dowlada Turikiye ayaa ogaalaatay 28 June in Sweden iyo Finland ku biiraan midowga NATO, ka dib wada hadalo ay ku yeesheen dalka Spain Magalada Madrid ayaa Saddexda wadan waa Sweden,Finland iyo Turike ku gaaraan heshiis in Finland iyi Sweden ku biiran Midowga NATO.

Xoghaya Midowga NATO ayaa warsaxaafeedeed uu qabtay ku yiri ” waxaa i farxad galinaysa in aan ku dhawaaqo in heshiis lagu gaaray in Sweden iyo Finland ku biiraan NTO, waxaan cadayn si kasta oo loo  aragti duwan yahay in aan wada fariisan karno oo mushkiladaheena xalisan karno”. Waxaa asna shirka ka qayb galay Madaxweyna Maraykanka oo sheegay in uu u mahadcelinayo Madaxweynaha Turikiye iyo howsha weyn ee uu qabtay.

Labadaan Dowladood ayaa soo gudbistay codsigooda ah in ay ka mid noqdaan Midowga NTO ka dib sanado badan badan oo ay dhexdhexaad ka ahaayeen is jiidjiid u dhaxeeyey Ruushka iyo Maraykanka. Ka midnoqoshada NTO ayaa u baahan in dhamman wadamada ka wada tirsan ay wada aqbalaan dhammaantoodna waa soo dhaweeyeen dalabka ka yimid labada wadan marka laga reebo Turikiye oo ku dooday in Sweden ay taageerto argagixisada gaar ahaan xisbiga shaqaalaha Kurdistaan( PKK).

Haddaba Turkigu muxuu ku badeshay ogalaanshaha in labadaan wadan ku biiraan NTO.

28 June ayaa saddexda wadan ku gaareen heshiis uu mid walba gaarkiisa u saxiixay, kaas oo dhigaya in  dowladaha Finland Iyo Sweden ee NTO  xubinta ka noqonaya in ay si buuxda u taageeraan aminga guud ee turkiga iyo in aysan wax taakulo ah siin karin xisbiga (PKK)(YPG) iyo sidoo kale xisbiga FETO ee uu hogaamiyo wadaadka loo yaqaan Fatxallaha Gollan. Iyo in Sweden iyo Finland ay cambaareeyaan dhamman weerarada ay soo qaadaan ururada argagixisad ah .

Si kastaba ah ahaatee Turkiga ayaa u muuqada in uu guul weyn ka gaaray heshiiskaan oo muhiim u ahaa iyo in uu albaabada ka soo xiriro ururo ay ku loolamayaan gudaha Turikiga.