ORAD YAHANKA CAANKA AH EE MO FARAH AYAA SHEEGAY IN UK SHARCI DARO KU SOO GALAY.

Orad yahanka caanka ah ee Mo Farah  ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in uu UK ku soo galay si sharci daro, waxaa uu sheegay in laga soo kaxeeyey dalka Jbouti asagoo da’diisu tahay 9 sano jir. Mo Farah ayaa sheegay in qof dumar ah ay ka soo waday dalka Djibouti ay siisay magaca Mo Farah laguna khasbay ciyaalnimadiisii in uu ka shaqeeyo xaafada si uu u helo cuno uu cuno.

Mo Farah ayaa ku guulaystay labo jeer orada 5,000m iyo 10,000m oo lagu kala qabtay magaalooyinka London iyo Rido sannadii 2012 iyo 2016. Mo Farah aya horay u sheegay in Uk la yimid labadiisa waarid asagoo Qaxooti ah.
39 jirkaan ayaa hadda sheegay in uusan waaridkiis la imaan dalka Uk waxaan uu intaas ku daray in aabihii ku dhintay dagaaladii Soomaaliya ka dhacay halka hooyadiis iyo labo walaalihiis  ay ku noolyihiin Somaliland.

” Anigu ma ahi qofka aad ii maleenayso, dadku waxay ii yaqaanaa Mo Farah laakiin magacaygu sidaas ma ahan magacaygu waa Husien Abdi Kaahin. Waxaan rabaa in runta sheego wax kasta oo ay ku kacayso, wax badan ayan qarinayey hadda caruurtayda waxay i waydiiyaan sidaan u imid Uk”

Leave a Comment

Your email address will not be published.