Dowladdnimada iyo Qabiilka.( State and tribe).

Taariikh ahaan badi dadka afrikaanka ah oo ay ku jirto Soomaalidu gumaystaha ka hor waxaa ay ahaayeen dad u nool qaab qabaa’il ah ( stateless community), qabiil kastana waxaa uu lahaa xeerar iyo qawaaniin u gaar ah taas oo aysan la wadaagin dhammaan reraha kale. Oday dhaqameedku waxaa uu ahaa hogaamiyaha reraha waxaa uu go’aan ka gaari jiray dhamman masiirka rerka uu u taliyo. Qofna ma uusan noolan karayn qabiil la’aantiis. Taasi waxaa ay keentay in qof walba qabiilkiisa u gar iyo gardarba uu dhexda uga jiro waa meesha ay soomaalidu uga maahmaahdo (( tolkaa iyo kabtaadba dhexdaa looga jiraa)). dhanka kale qabaa’ilka waxaa dhex mari jiray dagaalo dhexdooda ah oo ku saabsan illaha dhaqaalle sida, daaqa,biyaha iyo dhulka.Maahmaahdaan Soomaaliyeed waxay na xasuusinaysaa sida micno darrada ahayd ee qabaa’ilku ugu hooban jireen dagaaladda dhexdooda ah (( Qabaalku kabis lahaayaa, ka tagisna lahaayaa)).

Gumaystuhu marka uu yimid waxaa uu la yimid dowladnimada casriga ah, waxa hadda loo yaqaan (modern state) oo waxa uu isku dayey in uu ugu yaraan ilbixiyo bulshadii uu gumaysanayey barana nidaamka dowladnimada cusub oo ah in shacabku ay awooda leeyiihiin, ayguna go’aaminayaan cidda hoggaaminaysa nidaamkooda dowladnimo. Si taas lamid ahna ay aygu samaysanayaan wixii xeer iyo qaanuun ah ay isku maamuli lahaayeen. Dhibtuse waxay noqtay in falsafadii qabiilka iyo dowladnimadu is qaadan kari waayeen.

Qoraagga caanka ee rer Uganda Mahmood Mamadani waxaa uu ku doodayaa in hogaamiyaashii taladda kala wareegay gumaystihii in ay ku guul-darayateen in ay mideeyaan bulshada oo ay dhisaan dowlad la jaan qaadi karta dowladnimada casriga taa badelkeed waxaa aygu unkeen nidaamka qabiilka iyo dowladnimada isku dhafanka ah si ay u gaaraan danahooda siyaasiga ah.

Dhanka kale dhisida xeerar iyo qaanuun lagu midaysan yahay waxay asaas u yihiin dowladnimada. Tusaalle ahaan dowladii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960 ma aysan jirin xeer iyo qaanuun lagu midaysan yahay. Tusaale ahaan labadii xeer ee talyaaniga iyo ingirisku ku kala dhaqayeen labadii qeybood ee midoobay lama midayn, mid cusub oo ka turjumaya shacabkna ma aysan abuurin tani waxaa dhibaato weyn ku noqotay dhismaha dowladnimo la wada leeyahay iyo in marka horeba isku aragti laga noqdo nooca dowladnimada iyo qaabka ay noqonayso.

Gunaanad.. qabiilku waa haybta qofka (Identity) waana wax adag in lala dagaalamo laakiinse u baahan in la xakameeyo oo aan la ogalaan in uu ku milmo nidaamka dowladnimado. Waxaan shaki ku jirin in qabiilku uu ku yahay boog ku taala dowladnimadeena isla markaasna uu yahay caqabad hortaagan dhismaha dowlad leh hay’ado adag sharciguna uu sarreeyo.

Leave a Comment

Your email address will not be published.