Boris Johnson: Raysal Wasaarihi Ingiriiska oo is Casilay

Lodon, Britain- Raysal Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Maanta oo Khamiis ah Taariikhduna ku beegan tahay 7-Jul-2022 iska casilay Xilka Raysal Wasaare ee dalkaas iyo Hogaaminta Xisbiga Consverative. Waxaana la filayaa in uu dalku yeesho Raysal Wasaare Cusub.

Iscajilaada Boris Johnson ayaa timid ka dib markii ay iscajileen ku dhawaad toboneeyo Wasiiro ah oo ka mid ahaa xukuumadiisa sabab la xirira fadeexooyin uu la kulmay Boris Johnson

” Waa ay cadahay in xubnaha xisbiga Conserative-ka ee Baarlamaanka ku jira ay rabaan in la helo hogaamiye cusub oo xisbiga ah si loo soo xulo Raysal Wasaare cusub” ayuu yiri Boris Johnson oo ka hadlay khudbad uu ka jeediyey banaanka 10 downing Street.

Johnson ayaa sii ahaan doona Raysal wasaaraha  ilaa inta laga soo dooranayo Raysal wasaare Cusub oo ka imaan doona xisbiga konsaafatiifka xubnihiisa ugu firfircoon.

Waxayaalaha la rumaysan yahay in ay galaafteen Boris Johnson ayaa waxaa ka mid ahayd Fadeexaddii Covid-19 oo tan iyo markii ay soo bilaamatay joogsan wayday.

Doorashada Hogaanka ayaa dhici doonta Bisha Sept xiligaas oo Britain ay yeelan doonto Hogaamiye Cusub.

Leave a Comment

Your email address will not be published.