Baarlamaanka Puntland ayaa Mar kale iska diiday talaabadii uu Said Abdullahi Deni Qaaday.

GAROWE, PUNTLAND- SOMALIA, Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa maanta mar kale iska diiday in ay meel mariyaan xubnaha Maxkamadda Sare ee uu dib u Magacaabay Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni

Codka Baarlamaanka uu qaaday ayaa 30 ka mid ah diiday dib u magacaabida uu madaxweynuhu Sameeyey halka 3xubnood ka horyimid, 7 kale oo xildhibaanada ka mid ahna ay ka aamuseen.

Golah Baarlamaanka ayaa u saaray gudi ka soo baaraan-daga khilaafkaan kadib diidmadoodii iyo dib u soo magacaabidii gudigaan ee madaxweynaha inta uusan ka dhoofin Magaalada Garowe.

Talaabada ay xildhibaanada qaadeen ayaa ku salaysan warbixin gudigu dib u soo celiyey.

Warbixin ka soo baxday Golaha Baarlamaanka, qoraal ay gudigu la wadaageen Golaha wakiilada waxaa ay soo jeediyeen dhowrkaan qodob.

1. Guud ahaan Garsoonka Puntland waxaa laga maarmaan in uu noqdaa mid hufan oo daacad ah aqoon iyo kartina u leh arrimaha Garsoorka laguna kalsoonaan karo.

2. Si loo fuliyo Qodobka 88aad waa ee dastuurka Puntland waxaa muhiim ah in xukuumaddu soo magacawdo gudi culimo u diin ah oo door muhiim ag ku leh magacaabida Garsoorayaasha shareecada Islaamka.
3.  Waxaa muhiim ah Magacaabida Garsoorka Maxkamadda sare in loo maro sida uu qabo dastuurka Puntland Qodobkii 76 aad Xarafka “R” oo sheegaya awoodaha iyo masuuliyaddaha Golaha xukuumadda.
4. Marka uu Madaxweynuhu maro Habraaca 76aad xarafiisa ” R” wuxuu soo magacaabayaa Gudoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Sare sida uu qabo qodobka 80aad faqradiisa 18aad.

5. Xubnaha maxkamadda sare ee waayey Codka kalsoonida ee Baarlamaanka dib looguma soo celin karo golaha. Marna jiro qodob dastuuriya oo baneenaya arrintaas.

6. Madaxweynuhu waxaa kaliya ee uu xaqa u leeyahay golahana ku soo celin karo. i. Xeerka uu golahu meelmariyey sida uu qabo Qodobka 72aad.
ii. In uu hal mar oo kaliya dib ugu celiyo golaha xukuumadda ee kalsoonida waayey sida uu qabo qodobka 67aad faqradiisa lixaad.

7. Ma jiro wax cuskasho sharci ah oo baneenaysa in dib loo soo magacaabi karo, loona soo gudbin karo Golaha wakiilada Xubnihii Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee kalsoonida waayey. Sidaa daraadeed waxaa waajib ah in uu Madaxweynuhu Magacaabo Golaha Maxkamadda sare oo aan ku jirin xubnijii waayey kalsoonida Baarlamaanka. Sidoo lale ma jiraan Garsoorayaal Maxkamad Sare oo sifo sharci ah ku shaqeenaya inta laga soo magacaabayo Garsoorayaasha Cusub.

Leave a Comment

Your email address will not be published.